Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali(Gaas) , ayaa maanta Booqasho ku Tegay Hotel Gacayte oo ah Hotel Casri ah oo laga dhisay dhinaca Xeebta galbeed ee Magaalada Bosaaso.
Hotel Gacayte waa Hotel Casri ah isla Markaasina dhinaca ku haya Xeebta Galbeed ee Magaalada Bosaaso.
Qaab Dhismeedka Hotel Gacayte ayaa ah Qaab Casri ah oo ah,kaas oo loo dhisay qaabka Hotelada Caalamka ugu Sareeya ee Five Star.
Hotel Gacayte Waxa Dayactir Xoog leh lagu Sameeyey Sanadihii ugu Dameeyey,isagoona Hotel Gacayte uu ka mid ahaa Hoteeladii ugu Horeeyey Magaalada Bosaaso.
Booqashada Madaxweyne Gaas ee Hotel Gacayte ayaa Waxa ku weliyey Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland ugu Waaweyn.
Sidoo Kale Wafdiga Madaxweynaha ayaa Hotel Gacayte Waxa Sharaxaad kasiiyey Mulkiilaha Hotelka,kaas oo lagu Magacaabo Xuseen Gacayte,isla markaasina ka mid ah Maalqabeenada Puntland Kuwooda soo Jireenka ah.