Waxaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay gudoomiyaha cusub ee gobalka Bari Yuusuf Maxamad Waceys(Dhedo), kadib xaflad xilwareejin ah oo maanta ka dhacday magaalada Bosaso.
Advertisement
Yusuf Maxamad Waceys ayaa xilka kala wareegay gudoomiyihii hore ee gobalka Bari C/samad Maxamad Gallan.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday hotel Gacayte waxaana ka soo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, waxgarad, culimo’udiin, nabadoono, saraakiil, haween iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari C/samad Maxamad Gallan oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa kaga mahad celiyey bulshada qeybaheeda kale duwan ee ku nool gobalka Bari sida wanaagsan ee maamulkisa ula shaqeeyeen.
Gudoomiyaha cusub ee gobalka Bari Yuusf Maxamad Waceys oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in maamulkiisa uu diiradda saari doono amniga gobalka Bari.
…Waxaan ka shaqeynaynaa amniga gobalka Bari, hormarinta gobalka, wax u qabashada qaxootiga ka soo qaxay Yemen iyo heshiisiinta beelaha wax kala tabanaya ee degan gobalka Bari ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee gobalka Bari.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmad Cilmi Cismaan Karaash oo xafladda soo xeray ayaa sheegay in xil wareejnta si wanaagsan ay u dhacday, isagoona u mahad celiyey maamulkii hore iyo kan cusub.
…Waxaa rajeynayaa in maamulka cusub u shaqeyn doono sidii uu u shaqeeyey maamulkii hore iyo weliba si ka sii wanaagsan ayuu yiri Axmad Karaash.
Si kastaba ha ahaatee todbaadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii madaxweyne Gaaas uu maamul u cusub u magacaabay gobalka Bari.