Hotel Gacayte ee magaalada Bosaso oo dib loo furay

Magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta dib looga furay Hotel Gaceyte oo muddo dhisme ku socday ,waxaana Hoteelkaan kamid yahay kuwa ugu bilicda wanaagsan Puntland.Munaasabad ballaaran oo lagu furaayey Hotelka ayaa lagu qabtay Gaceyte ,waxaana ka qeybgalay Issimo,Culuma’udiin,Wasiiro,aqoonyahan,ganacsato ,haween,Suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn Nabadoon Cabdulqaadir Ibraahim Xarago ayaa si guud uga waramay Taariikhda hotelka Gaceyte iyo qeybaha uu ka koobanyahay,wuxuuna sheegay in Hoteelkaan yahay mid si casri ah loo dhisay loona qalabeeyey isla markaana yahay mid Caalami ah.

….”’Hotelka dhulka uu ku fadhiyo waa 250,qolalka jiifka ah waa 104 sariirood,wuxuu leeyahay laba Caffeteriya ,laba Restaurant,Supermarket,Saddex hool oo shirarka ah,Masaajid,xafiisyo ,warshad rootiga iyo mid baraf ah ,goob Carruurta iyo dumarka ,barkado lagu qubeysto….”’ayuu kusoo koobay Nabadoon Xarag

Mulkiilaha Hotelka Xaaji Xuseen Gacayte ayaa la sheegaa in hotelkan uu dhisay 1980s,waxaana uu noqday kan keliya ee xiligaas daboolay baahida dhanka Hotelada ay xiligaas qabeen Shacabka reer Puntland.

DSC_1196Issimada ugu magaca weyn Puntland sida Garaad Cabdullaahi Ciida,Beeldaaje Cali Faarax,Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Xaaji Faarax, oo hadalo ka jeediyey furitaanka hotelka ku tilmaamay mid bulshada Puntland si weyn u sugayeen isla markaana uu soo rogaal celiyey hoteel Sideetamaadkii ahaa kan ugu wanaagsan Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay farxad weyn tahay in dadkii horey uga soo dhisay Hoteeladii ugu caansanaa Soomaaliya ay kasoo jeedeen gobolkan isla markaana Xaaji GACEYTE ku ammaanan yahay waxqabadkiisa.

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Cabdirixmaan Dayax oo ku hadlay afka Ganacsatada ayaa sheegay in Hoteel Gaceyte kamid yahay macaamiisha qaaliga ah ee Shirkada Golis ayna waajib noqoneyso inaan farxadiisa kala soo qeybgalno.

DSC_1229Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in si weyn uu usoo dhaweynayo Hotel Gaceyte in dib loo furay kaasoo kamid ahaa hoteelkii ugu horeeyey ee si Caalami ah loo dhiso,wuxuuna ku booriyey ganacsatada iney maalgashiga hoteelada badiyaan.

…” Hoteel in uu noqon doono qiima weyn inoo leh ,waxayna mas’uuliyad inaga saarantahay kuligeen in Hoteelka la ilaalino Xaaji Xuseen Gaceyte iyo Caa’iladiisa …..”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax.

Si kastaba lama soo koobi karo taariikhda hoteelkan Gaceyte iyo halka uu ka joogo Shacabka Puntland ,waxaana lagu tirayaa halka laga soo bilaabay laguna soo qabtay shirarkii lagu raadinayey in Puntland la dhiso taasoo ay ku kulmeen Siyaasiyiin iyo waxgarad magac leh.
DSC_1197DSC_1198DSC_1200DSC_1201DSC_1202DSC_1203DSC_1206DSC_1207DSC_1209DSC_1211DSC_1213DSC_1215DSC_1217DSC_1220DSC_1221DSC_1223DSC_1226DSC_1227DSC_1245DSC_1249DSC_1258DSC_1259DSC_1269DSC_1270DSC_1273DSC_1280DSC_1283DSC_1285DSC_1289DSC_1298DSC_1313DSC_1314DSC_1318DSC_1319DSC_1321DSC_1322DSC_1326DSC_1329DSC_1332DSC_1333DSC_1334DSC_1335DSC_1336DSC_1346DSC_1347DSC_1348DSC_1349DSC_1350DSC_1351DSC_1352DSC_1356DSC_1359DSC_1363DSC_1365DSC_1366DSC_1370DSC_1371DSC_1372DSC_1373DSC_1375DSC_1377DSC_1382DSC_1384DSC_1387DSC_1390DSC_1394DSC_1396DSC_1402DSC_1403DSC_1405DSC_1406DSC_1413DSC_1418DSC_1442DSC_1443DSC_1445DSC_1446DSC_1449DSC_1450

 

You may also like...

Leave a Reply to Andrewmut Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *