Waxaa maanta madaxweynaha xukuumadda Puntland Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas uu daah furay xafiiska qunsuliyadda Yemen ee Puntland, kadib xaflad ka dhacday hotel Gacayte ee magaalada Bosaso.
Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, muwaadiniin u dhashay dalka Yemen iyo marti sharaf kale.
Mr. Mansur Ali Riyash oo ah safiirka u fadhiya Yemen ee Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay in shacabka reer Puntland iyo xukuumadaba si wanaagsan ay u soo dhaweeyeen muwaadiniin u dhashay Yemen ee u soo qaxay dhanka Puntland, isagoona hadalkiisa ku daray in uu ku faraxsan yahay in xafiiska qunsuliyadda Yemen laga furo Puntland.
Waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay safiirka Yemen ee Soomaaliya in gar-gaar deg-deg ah ay la soo gaaraan shacabka Yemen ee ku sugan Puntland.
Muwaadiniinta u dhashay Yemen ee ku sugan Puntland ayaa waxa ay tira ahaan gaarayaan 300 qof oo isugu jira rag, dumar, carruur iyo dad da’ah
Madaxweyne Gaas oo sidoo kale ka hadlay xafladda ayaa dhankiisa sheegay in muwaadiniinta u dhashay Yemen ee u soo qaxay dhanka Puntland ay joogaan wadankooda labaad, waxa uuna baaq u diray dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen.
…Puntland raali kama ahan in la soo barakiciyo maato aan waxba galabsan ayuu hadalkiisa ku daray.
Prof. Gaas ayaa ugu dambeen baaq u diray beesha caalamka in ay gurmad la soo gaaraan qaxootiga ku sugan Puntland iyo kuwa ku soo wajahan.
Si kastaba ha ahaayee xukuumadda Puntland ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay caawin lahayd qaxootiga ka soo qaxaya Yemen.