Shirkada Golis Telecom oo daahfurayay adeega xawaaladda TAAJ Iyo adeegyo kale (Sawirro)

Bosaso(PP)Munaasabad lagu daahfurayay adeega xawaaladda TAAJ oo ay hirgalisay shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia iyo adeegyo kale uu muhiim ah ayaa lagu qabtay hotel Gacayte ee saaran xeebta magaaladda Boosaaso ,waxana ka qayb galay aqoonyahano, waxgarad, culimo, Masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda Golis iyo marti sharaf kale.

Adeega xawaaladda TAAJ ayaa u fududaynaya macmiilka in eheladiisa asxaabtiisa iyo dadka wadashaqayntu ay ka dhaxayso meel walba oo ay joogaan ay lacagta ugu soo diraan taleefankiisa Goliska isagoo isla markaba helaya fariin u sheegaysa inay lacag u soo dhacday.

IMG_5544

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Telecom Siciid Aadan Axmed ayaa ugu horayn ugu bishaareeyay macaamiisha qaaliga ah ee shirkadda Golis adeega xawaaladda TAAJ oo uu ku tilmaamay mid wax badan u sahlaya dadwaynaha islamarkaana ay sida ugu hawl yar uguna dagdaga badan u helayaan lacagta loosoo diray.

Maareeyaha ayaa xusay in shirkaddu ayaa macamiisha ugu baaqay inay ka faaiidaystaan adeega cusub ee wax-tarka u leh isagoo xusay in shirkadda Golis ay mar walba garab taagantahay macaamiisheeda ayna ugu dadaalayso inay usoo kordhiso adeeg walba oo ay dani ugu jirto.

IMG_5400

Madaxa suuqgaynta shirkadda Golis Telecom C/Raxmaan C/Laahi Jaamac (Dayax) ayaa isaguna u sharaxay dadkii madasha fadhiyaya adeegyo kale oo ay shirkaddu kusoo bandhigtay xafladdan kuwaas oo kala ahaa E-Deposit, SAHAL Interface, Video Call, AutoBank Deposit.

Dayax waxa uu sheegay in adeega E-Deposit uu kuu suurta gelinayo in aad qof kasta akoonkiisa ugu deposit garayn karto lacagta aad u dirayso si lacag la’aan ah sidoo kale waxa uu xusay in adeega kale ee SAHAL Interface uu macaamiisha u suurta gelinayo inay bogga SAHAL ee Merchant-ga kala socdaan dhamaan dhaqdhaqaaqyadooda , kana  diraan lacagaha iyo mushaharooyinka , sidoo kale ka dirsan karaan xawilaadda Taaj gudaha iyo dibadaba.

IMG_5531

Dhamaan dadkii ka qayb galay munaasabadda ayaa si wayn ula dhacay dhamaan adeegyada ay shirkadda Golis maanta soo bandhigtay oo uu ugu waynaa adeega xawaaladda ee TAAJ waxana qaar kamid ah martisharafta oo kalmado lasiiyay ay uga mahadceliyeen shirkadda Golis adeegan oo ay ku tilmaameen mid ay baahi wayn u qabeen

IMG_5540

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee  Puntland Maxamed Caydiid  oo gabagdii sooxiray munaasabada ayaa ku Amaanay Muddo 15-sanno ah ee ay dalka ka shaqeynaysay  Shirkada Golis waxyaalaha  hormarka leh ee ay bulshada soogaarsiiyaya ,waxaan uu ugu baaqay shirkada in halkaa kasiiwadaan

IMG_5303 IMG_5305 IMG_5318 IMG_5326 IMG_5347 IMG_5350 IMG_5359 IMG_5366 IMG_5373 IMG_5377 IMG_5381 IMG_5387 IMG_5400 IMG_5402 IMG_5415 IMG_5417 IMG_5418 IMG_5419 IMG_5421 IMG_5423 IMG_5426 IMG_5428 IMG_5429 IMG_5430 IMG_5438 IMG_5439 IMG_5441 IMG_5451 IMG_5456 IMG_5458 IMG_5462 IMG_5478 IMG_5480 IMG_5483 IMG_5493 IMG_5495 IMG_5501 IMG_5505 IMG_5512 IMG_5520 IMG_5526 IMG_5529 IMG_5531 IMG_5540 IMG_5541 IMG_5542 IMG_5544

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *