Beelaha direed oo kamida Beelaha Soomaaliyeed ee Daga Gobolka Bari ayaa maanta Magaalada Bosaso gaar ahaan Hotelka Gacayte ku Qabtay Munaasabad lagu Caleema saarayay Suldaanka Beelaha Direed ee Gobolka Bari .
Waxaana Munaasabadan kasoo qayb galay masuuliyiin ka Socotay Golaha Wasiirada Puntland ,maamulka Gobolka Bari kan Degmada Bosaso , inta badan isimada Puntland ugu Caansan ,Culimo Awdiin ,iyo Qaybaha Kala Duwan ee Madaxda Qadhanka Gobolka Bari.
Ugu Horayn Qaar kamida Isimada Puntland ugu Caansan ayaa Suldaanka ku soodhaweeyay masraxa Golaha Isimada Puntland sidookalana ugu Duceeyay in Ilaahay Xilka u fududeeyo,
Gudoomiyaha Gobolka Bari Dr yuusuf Maxamed wacays Dhado ayaa isna sheegay inay Beri xaflad gaara oo soodhawayn ah uqabanayaan Suldaanka Cusub,
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland Cabdullahi Sheekh axmed ayaa isna sheegay inay soodhawaynayaan Suldaanka Cusub isagoo ku Hadlaya Magaca Madaxwaynaha iyo Golaha Wasiirada Puntland,
Ugu danbayn Suldaan Cali maxamuud ismaaciil Ciise oo ah Suldaan Cusub ee Beelaha direed ee Gobolka Bari ayaa Goobta lagu caleemaSaaray isagoona ugu danbayn uduceeyay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed,
Si kastaba ha haatee sulkdaan Cali Maxamuud Ismaaciil ayaa ku dhashay degmada Xaafuun sandku markii uu ahaa 1973, waxa uu quraanka kariimka ah iyo dugsiga hoose/dhexa ku dhammeeyey isla degmada Xaafuun.
Suldaanka ayaa dugsiga sare kaga baxay magaalada Muqdisho waxa uuna ahaa ganacsade ilaa markii dambe uu ka mid noqday nabadoonada Soomaaliyeed.
SAWIRRO :