Bosaso(pp)Waxaa maanta Soo garay Magaaladda Bosaso ee Xarunta Ganacsga Puntland Wasiirku xigeenka Wasarada Maaliyada Dawlada Federalka Soomaliya ahna Xildhiban ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya Mudane Maxmud Xayir Ibraahim ,Waxaana Ku Soo Dhoweyey Magaalada Bosaso Maamulka Goblka Bari ,Masuuliyiin ka tirsan laamaha aminga Gobalka Bari ,siyaasiinta, Aqoonyahano iyo dadwayne kale
Wasiirku xigeenka Wasarada Maaliyada Dawlada Federalka Soomaliya Mudane Maxmud Xayir ayaa markuu soogaaray koontaroolka Bosaso halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiintii soodhawayntiisa usoobaxaday ayaa waxaa uu gacan qaaday dhamaan madaxdii iyo dad waynihii kale .
Wasiir Maxmud Xayir oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu joogi doono maalmaha soosocdo magaalada Bosaso Kulamana la qaadan doono Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada iyo qaybaha Bulshada